
Waa madka asalka u ah ee lagu garto inuu mad-ba
meesha ku jiro. Xuruufta madka oo wadata shuruudaheeda
iyo tusaalaheedaba waa kuwaan soo socda:

Xaraf kasta oo ka mida 3-daan xaraf waxaa la dhahaa
'xaraf madeed' waana
asalka mad oo dhan. Yacni meel aan marka hore midkood
laga helin mad kuma jiro.
Inta
la jiidayo
Madkaan asaliga loo yaqaan inta codka lagu jiidayaa
waa laba xarako (xarakadu waa xaraf kaliya inta
lagu dhawaaqo).
Waxaa Madka asaliga ah la raaciyaa madadka hoos
ku qoran oo inta la jiidayaa ay la mid tahay inta
la jiido madka dabiiciga ah.