|
Waa
Kuwama SCWC (ama IIC)
Somali
Cultural Watch waa hay’ad khayri ah, oo ka diiwaan gashan UK, hawsha
ay Jaaliyadda u qabatana kama raadiso manfaco aduun. Waxaa aasaasay Mutacallimiin
Soomaaliyeed oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odayaasha,
Haweenka iyo Dhalinyarada, si ay u buuxiyaan baahida jaaliyaddooda, uguna
khidmeeyaan wixii anfacaya. Hay'adda SCWC ayaa ah tan hirgalinaysa mashruuca
Masjidka Islington Islamic Centre.
Waxqabadkii
SCW
Somali Cultural Watch waxay muddo sagaal sano ah soo waday khidmooyin
sida la talinta jaaliyadda, Casumidda culimo waawayn si ay uga baahi tiraan
jaaliyadda arimaha khuseeya iyaga iyo caruurtooda ee masiiriga ah, iyagoo
sanad walba u qabanayay shirar diineedyo waawayn oo ay jaaliyadda inteeda
badani isugu imaanaysay. Waxay kale oo Jimciyaddu waday ol-oleyaal ay
wax ku barayso caruurta Soomaaliyeed iyada oo u furtay Dugsiyo/Malcaamado
Qur’aanka iyo Islaamka ay ku bartaan.
Hay’addu
waxay hawlahaas dhinac waday in ay aasaasto Masjid jaaliyaddu ku soo hirato
oo saldhig u noqda waxtarka jaaliyadda, laakiin caqabado dhaqaale awgood,
Jimciyaddu kuma guulaysan inay hirgaliso Masjidkaas, waxayse uruurisay
lacag gaaraysay ilaa £80.000.
Jaaliyadda
iyo Marxaladda taagan
Maamulku iyaga oo tixgalinaya marxaladda ay Jaaliyaddu hadda marayso oo
ay caruurtiii Soomaaliyeed ee Qurbaha ku kortayu isu badaleen Kooxo danbiilayaal
is dilaya ah, ayay waxay go’aansadeen inay lagama maarmaan tahay
in la helo Masjid lagu badbaadiyo intii la badbaadin karo, laguna hormariyo
inta wali roon, lagana taageero Waalidiinta
Meel
la helay
Maamulku waxay ku guulaysteen in ay helaan meel ku haboon inay noqoto
Masjidka Saldhigga Jaaliyadda, oo ku yaal meel u dhaw bartanka London,
ayna ka soo wada gaari karaan jaaliyaddu daafaha kala duwan ee Magaalada.
Meeshaas oo ku kacaysa qiime dhan £1.6 Million.
Qadarta
Alle iyo xikmaddiisa, meeshaasi way fakatay oo laguma guulaysan sababo
dhaqaale iyo isbadalka dhaqaalaha caalamka oo saameeyay qolyihii lahaa
iyaga oo door biday in ay xaraashtaan. Waxaase muddo yar ka dib la helay
meel aad ugaga sii haboon oo ay isla qiime yihiin.
Hawl-gal (Wajiga 1aad)
Waxay marti qaadeen Culimo uu ka mid ahaa Sh. Maxamed Idriis oo ah Sheekh
ku caan baxay u ololaynta waxa anfacaya bulshada Soomaaliyeed meel kasta
oo ay joogto, si uu muddo laba todobaad ah Jaaliyaadda London ugu jeediyo
Muxaadarooyin isaga oo kaashanaya culimada kale oo uu ka mid ahaa Sh.
Mustafe Xaaji Ismaaciil oo aad wada garanaysaanu, Jaaliyaddana loogu gudbiyo
mashruuca Masjidka, si wanaagsanna way u soo dhamaatay.
Wajiga
labaad
Wajiga labaad ee ololaha Masjidka ayaa loo gudbay, kaasoo ah in la gaarsiiyo
qof kasta oo Soomaali ah si loo dareensiiyo Mas’uuliyadda kaga aaddan
u khidmaynta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo Badbaadintooda,
si qof waliba u dareemo dawrka ku aadan ugana soo baxo ileen ‘ilko
wada jir bay wax ku gooyaane’. Waxaa waliba intaas u sii dheer faa’iidada
aakhiro ee uu ka helayo Masjid uu dhisay ama gaday.
Wajiga
sadixaad
Waxaa lagu guulaystay in la kireeyo Masjidka isaga oo khadamaad lagu diirsaday
bilaabay bishii May ee 2009, looguna jiro kiro ahaan. Waxaana garab socda
sidii loo xorayn lahaa oo loo iibin lahaa.
Khidmooyinka
Masjidku bixiyo ama bixin doono
Waxaa la qorsheeyay in Masaajidku uu ahaado mid nashaadkiisu aad u sareeyo
si uu u guto dawrkiisa, sidaa awgeedna waxaa la arkay in lagu fuliyo waxyaabaha
soo socda:
1-Khidmooyinka Masjidka
-5-ta Salaadood, Salaada Jumce,Qayb Haweenka u khaas ah, Taraawiixda iyo
labada Ciidood
-Barashada Diinta (Tafsir, Hadith, Fiq-hi, Siirah, Caqiidah, Luqadda Carabiga
IWM)
-Nikaaxa iyo khadamaadkiisa
2.
Khidmooyin Waxbarasho
-Dugsi/Malcaamad (Gabdhaha, Wiilasha, Dumarka & Ragga)
-ISkool islaami ah oo bixiya Duruusta Iskoolka iyo mid Islaami ahba (Xisaab,
Saynis, English, IT, IWM. dhanka kalana Maadooyin loo diyaariyay inay
u dhisaan garaadka ubadka sidii qof Muslim ah oo ixtiraama Allihiis, Waalidkiis
iyo dadka oo dhan)
- Waxbarasho dadka waawayn
3-Nashaadka
dhalinyarada iyo Khidmooyinka dadka waawayn
-Mashruucyo loogu talo galay dhalinyarada waqtiyada fasaxa, oo ku aadan
noloshooda.
-Siyaarada Xabsiyada, ku baraarujinta dhalinyarada jaaliyadda waxyaabaha
gayn kara Xabsi sida Danbiyada iyo Drugs-ka. Barnaamijyo maaweelo oo looga
hor tagayo in ay waqti u helaan inay sameeyaan wax Xabsi gayn kara IWM.
-Gaarsiinta dadka aynu la noolnahay wajiga saxda ah ee Islaamka.
- La talinta Jaaliyadda guud ahaan iyo qof-qofba.
Waxaan Allah ka rajaynaynaa in 5-ta sano ee ugu horaysa ee Masjikaanu
ay noqoto mid si sare u mira dhasha, oo faa’iidadeeda laga dareemo
dhinac kasta, dhinac Waxbarasho, mid dhaqan iyo mid diineedba.
Allah
wuxuu ina amray
Alle wuxuu Muslimiinta amray inay isu kaalmaystaan khayrka, sharkana isaga
kaalmeeyaan, inay u tartamaan fulinta khayrka iyo dhaqan galintiisa, wuxuuna
booriyay in loo kala hor maro. Wuxuu balan qaaday in darajooyin sare lagu
abaal marin doono ciddii heer sare ka gaarta khayrka, Ajarkoodana loo
laalaabi doono in badan. Waliba ciddii khayrka dadka tustana in ajarka
ficilka ciddii ay tuseenna la siin doono ayuu noo sheegay iyadoon iyagana
laga nuqsaamin.
Marka
miyaysan wanaagsanayn in aan u tartanno samaynta khayrka sida dhisidda
Masjidkaan oo kale intaan maalkeenna cid kale yeelan (geeri), oo aan waliba
dadka kale gaarsiinno inta qof kastaa siiyo dhawr saac oo telephone-ka
qabsado gaarsiiyo intuu gaarsiin karo oo halkaa ka qaniimaysto, mise shaydaankaan
raacnaa oo nafteenaan waxaas oo khayra kala bakhaylnaa? Nabigu (SCW) wuxuu
yiri: “Qofkii Masjid Alle darti u dhisa, Alle isna Qasri ayuu Janadda
uga dhisaa”. Marka Walaal ka gaar oo diyaarso Gurigaad dagi lahayd
noloshaada dhabta ah.
Qiimaha
Masjidku waa hal malyan iyo lix boqol oo kun (£1,600,000) ilaa iyo
hadana waxaa gacanta ku jira ilaa 300,000 ku dhawaad, kirana way ku socotaa.
See
ula soo xiriiraa Masjidka IIC
Fadlan
nagula soo xiriir sidii kuu sahlan:
fulinscw@yahoo.co.uk
ama
Tel: 020 7561 0902
ama
079 0469 4652
|