« January 2010
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
 
Wararkii ugu danbeeyay

Labo dumar ah oo mid wiilkeedii yeey (uubato) daftay (qisadii 11aad)

Date: 17 Oct 2007 / Author: maamule / Category: diini, Qisooyin, maqaal, dhamaan / Views: 1020

Bukhaari iyo Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in uu Rasuulku (scw) yiri: (Waxaa jiray labo dumar ah oo haysta labadoodii wiil oo uu Yay u yimid, lana tagay middood wiilkeedii, markaas ayay ku tiri saaxiibadeed: wuxuu qaatay wiilkaagii. Tii kalena waxay tiri: mayee wiilkaagii ayuu la tagay. Markaa ayay u gar dhigteen Nabi Daawuud (cs), markaas ayuu u xukumay (wiilkii la isku haystay) tii weynayd. Markaas ayay ku soo bexeen Suleymaan bin Daawuud, wayna u sheegeen (sida wax u dheceen). Markaas ayuu yiri: ii keena middi aan (wiilka) u kala gooyee!. Markaas ayay tiri tii yarayd: ha yeelin Alle ha kuu naxariistee waa wiilkeediiye, markaas ayuu u xukumay tii yarayd!.

Sharax gaaban:

Qisadani waxay dhacday xilligii Nabi Daawuud. Waxaa u soo gardhigtay laba dumar ah oo middood wiilkeedii bahal qaatay, ka dibna isku qabsaday kii soo haray oo mid walba leedahay kaagii ayuu bahalku qaatay kanna waa kaygii. Nabi Daawuud markii uu dhagaystay dacwadoodii, uuna sameeyay wixii baaritaan ah ayuu wiilkii u xukumay labada naagood tii weynayd.

Markii ay soo bexeen ayay soo mareen Suleymaan, markaas ayuu sameeyay xeelad uu ku soo saaro hooyada dhabta ah, markaas ayuu dadkii u dhawaa ka dalbaday in middi loo keeno si uu inanka ugu kala jeexo laadooda, mid kastana ay nus u qaadato. Labadii haweenka ahaa dhab ayay u qaateen hadalkii Suleymaan, markaas ayaa uu soo baxay mid walba mawqifkeedii. Tii yarayd oo ahayd hooyada dhabta ah way argagaxday; maxaa yeelay waa inankeedii oo halaagsamaya, markaas ayay dalbatay in aan la kala goyn ee loo daayo tan weyn, tii kalese way aqbashay xugunkii; sidaa ayuuna ku ogaaday Suleymaan in ay tan yari tahay hooyada dhabta ah, cunugiina uu ugu xukumay.

Waxaa kale oo Ilaahay Qur’aanka noogu sheegay qaddiyad kale oo Suleymaan uu ku khilaafay aabbihiis xugunka. Waxay ahayd: In ari daaqay habeenimo beer dad kale oo ay Daawuud iyo Suleymaan xukumeen, Allena uu xugunka fahamsiiyay Suleymaan. Culimada Tafsiirku waxay sheegeen: in Nabi Daawuud u xukumay qoladii beerta lahayd in ay u qaataan ariga dhibtii gaartay beertooda. Suleymaana wuxuu u soo jeediyay in ariga lagu wareejiyo qoladii beerta lahayd oo ay ka faa’iidaystaan caanaha, ubadka iyo suufka, qolada ariga lahaydna loo dhiibo beerta oo ay ka shaqeeyaan, markii ay ku soo noqoto sidii ay ahayd markii la daaqayna ay ku wareejiyaan dadkii lahaa iyaguna ay la soo noqdaan arigoodii.

Habkaan Suleymaan isticmaalay waa nooc firaaso ah iyo in wax lagu xukumo calaamado iyo walxaha la xiriira qaddiyada oo aan lagu kaaftoomin muuqaalka guud oo laga yaabo inta badan in aanu dhab ahayn. Shaahidkii (ka mid ahaa ahalka naagtii ka doontay Nabi Yuusuf naftiisa) wuxuu u daliishaday beenteeda iyo runta Yuusuf in qamiiskiisu gadaal ka jeexan yahay!. Qaaliyaasha muslimiintuna aad ayay u isticmaali jireen xeeladaha lagu soo saarayo xaqiiqada, dadkana loogu kala xaqsoorayo. Ragga aad ugu caan baxay waxaa ka mid ahaa: Cali ibnu Abii Daalib, Qaali Shurayx iyo Qaali Iyaas.

Faa’iidooyinka qisada:

1. Waxaa laga faa’iidaysanayaa qisadan fadliga Nabi Suleymaan, fahmiga Alle siiyay iyo awoodda uu u lahaa inuu ka gaaro xugun toosan arrimaha isku murugsan ee loo soo bandhigayo.
2. Waxaa u bannaan qaalliga ama ninka madaxda ah in uu u muujiyo dadka is haya in uu samaynayo wax aanu doonayn samayntiisa; si uu ugu gaaro xaqiiqada qarsoon.
3. Waxaa bannaan markii caddayn la waayo in la kaalmaysto calaamadaha iyo waxyaabaha la xiriira dhacdada; si loo gaaro xaqa ama xaqiiqada.
4. Qisadani waxay tusaysaa in xaakimka caalimka ahi ajar ku leeyahay xugunka uu rido ha gafo ama asiibee; maxaa yeelay Alle waa amaanay Daawuud iyo Suleymaanba (qisadii ariga ku mirtay beerta dadka kale lahaayeen oo ay xugunkeeda ku kala duwanaayeen, Allena uu fahamsiiyay Suleymaan). Nabigeenu (scw) wuxuu caddeeyay in xaakimka xaqa asiiba labo ajar leeyahay kan ku gafana hal ajar leeyahay. Waxaase xusid mudn in ay lagama maarmaan tahay inxaakimkaasi uu yahay mid ahal u ah kala xukunka dadka.
5. Nabiyaashu waxay wax ku kala xukumi jireen dadaalkooda (ijtihaad); sidaa darteed ayay is khilaafeen xugunka Daawuud iyo kan Suleymaan. Ijtihaadku wuxuu gali karaa meelo kala duwan, sida:
a) Macnaha NASKA oo lagu kala duwanaado haddii uu macnayaal kala duwan qaadan karo.
b) Dhacdo aan xugun gaar ahi ku soo aroorin oo qiyaas ama daliil kale oo aan Nas ahayn loo cuskado.
c) Waxaa kale oo suurtagal ah in la isku maandhaafo xugunkaan in lagu dabiqi karo (fulin karo) dhacdadaan iyo in kale.
d) Waxaa iyana suuragal ah in la isku khilaafo naskaan ma sugan yahay mise maya.
e) Sidoo kale naskan ma la nasakhay mise waa muxkam.
f) Is waafajinta iyo kala rajixidda nusuusta u muuqata in ay is khilaafsan tahay.
g) Iyo umuuro badan oo xiriir la leh qawaacidda usuul al-fiqhiga.
6. Dhugta iyo fahamku mar kasta kuma xirna da’da ee waxaa dhici karta in kan yari garto ama fahmo wax aan kan weyni gaari Karin; sida Suleymaan u fahmay wax aanu ku baraarugin aabbihiis Nabi Daawuud ama uu u fahmay C/laahi Ibnu Cumar wax ay garan waayeen asxaabtii waaweynayd markii Rasuulku (scw) weydiiyay: geedaha waxaa ka mid ah geed aysan caleemihiisu dhicin, waana muslimkoo kale ee ii sheega waxa ay tahay, markaas ay asxaabtii ku daateen geedihii miyiga, C/lhi-na waxaa ku soo dhacay in geedkaasi yahay Timirta, laakiin wuu ka xishooday in uu sheego maadaama odayaashii waaweynaa oo aabbihiis iyo Abuubakar ka mid ahaayeen garan waayeen. Markii uu aabbihi u sheegay wuxuu yiri: in aad sheegtid ayaan wax kasta ka jeclaan lahaa.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Source: Beerdhiga.com

Afeef:

Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.

RSS
(la soco isbadalada)
Print
(daabaco Maqaalkan)



. RSS Waxay qaadatay 0.15507 ilbiriqsi. 
Codsiyada kaydka: 6


 
Maamulka  
Gal booskaaga
Soo dir fayl
 
Maxaa Cusub  
Xayaysiiso  

affiliate_link

visit this site

Design ©        www.ururshe.com