Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday! (Qisadii 12aad)
Imaam Axmad, Al-Xarbi, Al-Xaarith iyo Bayhaqi ayaa ka wariyay Abuu Hurayra in Nabigu (scw) yiri: "Nin ayaa khamro ku dhex iibin jiray doon, khamradana wuxuu ku barxi (dari) jiray biyo, wuxuuna watay daanyeer, markaas ayuu (daanyeerkii) qaatay kiishkii (lacagta), wuxuuna la fuulay looxii shiraaca, wuxuuna bilaabay in uu diinaarna ku rido badda, diinaarna doonta ilaa uu labo nus ka dhigay (lacagtii)".
Sharax kooban: Qisadani waxay ku saabsan tahay nin ganacsade ah oo khamrada uu gadayo ku labi jiray biyo oo daanyeer uu watay lacagtii la fuulay shiraaca kore, ka dibna nuskeed ku guray badda, nuskii kalena doonta dhexdeeda.
Xadiiska waxaa ka muuqata halaagga ku dhacaya dadka ganacsigooda khiyaamadu ku dheehantahay oo ku dara:
a) badeeco xun mid wanaagsan, sida timir xun oo lagu daro mid wacan
b) ama ku dara shayga mid aan qiime lahayn, sida caano lagu barxay biyo
c) ama ku dheeha shayga mid ka qiime jaban, sida subag lagu qasay saliid.
Dadka sidaas yeelaya waxay si baadil ah u cunayaan xoolaha dadka, waxa ay habkaas ku qaadanayaana waa xaaraan cad oo lagu xisaabin doono aakiro.
Khamradu xaaraan kama ahayn ninkaas ganacsadaha ah; sidaa darteed eeddiisu ma ahayn in uu khamro gaday ee waxay ahayd in uu khiyaamo sameeyay. Waana la wada ogyahay in aan xataa muslimiinta laga xaaraamayn khamrada markii ugu horraysay oo ay cabbi jireen rag badani, lagana ganacsan jiray iyada oo aan cidna arrintaas lagu eeaynayn. Xilligaasna in khamrada khiyaano lagu sameeyo asxaabta xaaraan ayay ka ahayd.
Faa’iidooyinka qisada: 1. xadiisku wuxuu tusayaa xumaanta khiyaanada ganacsi iyo cirib xumada adduunyo ee ay ku leedahay qofka arrintaas ku dhaqma iyo maalkiisa.
2. xaaraanimada qishka (khiyaanada) iyo in la isaga digo ku shaqaysigeeda.
3. Qisooyinkan waxaynu u warinaynaa in aynu wixii wanaagsan kaga dayano, wixii xunna aynu ka fogaano.
Haddaba waxaa ina la gudboon in aynu ka waantowno, lana dagaalano dhaqankan qishka ah ee aad ugu faafay dadkeenna iyo dalkeenna, sida: a)caano biyo lagu daro b) macsaro iyo caddeey la isku qaso c) malab, timir iyo sonkor la isku milo d) dawo garaamkeedii ka yar ama maaddadii asaasiga ahayd la dhimay! e) oday timihii loo madoobeeyay ama inan midabkii loo caddeeyay!!!.
4. In lala cajabo daanyeerka sida caddaaladda ah u xukumay maalkii ninka oo intii xalaasha ahaydna u reebay, intii xaaraanta ahaydna badda ku shuby iyo in Ilaahay xayawaanka qaarki ku ilhaamiyo waxyaabo cajaa’ib leh.
5. In ay khamradu xalaal u ahayd qoalada ninkaasi ka midka ahaa illeyn asna wuu gadayay, iyaguna way ka iibsanayeene.
6. In ay bannaantahay in badda la fuulo, laguna ganacsado.
7. Inay muddo dheerba soo jireen doonyaha iyo danaaniirta daabacan.
Qore: Sh. Axmad C/samad
Alwaqaar@hotmail.com
Source:beerdhiga.org
Afeef:
|
Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.
|