« January 2010
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
 
Wararkii ugu danbeeyay

MAXAA SABABA QALQAALINIMADA AMA FUDEYDKA CARRUURTA? (Qaybta 1aad)

Date: 3 Apr 2008 / Author: drabdisalam / Category: maqaal, school, schoolfaaiido, heerarday, caafimaad, naseexohealth, maqaalhealth, xalaalcun, jaaliyadda, caruur, haween, rag, dhallin, dhamaan / Views: 756

MAXAA SABABAY QALQAALINIMADA AMA FUDEYDKA CARRUURTA(Qaybta kowaad)





Soomaalida qurba jooga ah waxaa haysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin ayaga oo ay carruurtoodu la qabsan la yihiin iskuulada ay dhigtaan. Taasna waxaa keenay arrimo dhowr ah sida:

  • Luqadda dalka ay joogaan oo ku adag

  • Dhaqanka iyo nidaamka tacliinta waddankaas oo aaney la qabsan
  • Noocyada cuntada ay cunaan oo aan ku habooneyn dalka ay ku noolyihiin cimiladiisa

  • Iyo bay-adda sumeysan (Environmental pollution)


Qormadan waxaan ku eegeynaa siyaabaha ay cuntadu qayb uga qaadato dabeecadda carruurta, taas oo raad ku reebtay tacliintooda iyo noloshooda bulshada dhexdeeda.





Qalqaalinimada carruurta waxaa keeni kara wax yaalo badan oo ay ka mid yihiin cuntada sonkortu ku badan tahay iyo arrimo kale oo xagga caafimaadka la xiriira. Waxaase badanaaba farta lagu fiiqaa sonkorta aad loo isticmaalo iyo waxyaabo lagu daro cuntooyinka (Food Additives).



Si aan uga hadalno dhibaatooyinka haysta carruurteena khaasatan kuwa qurbaha jooga waxaa muhiim ah in aan ka jawaabno su-aalahan soo socda:
1.Maxay tahay saameynta ay cuntadu ku yeelaneyso dabeecadda carruuta?
2.Dhaqaale xumada qoysku ma saameynaysaa korrimada iyo dabeecadda carruurta?
3.Cuntada noocee ayaan u wanaagsaneyn korriimada, caafimaadka iyo waxbarashada carruurta?




Haddii aan su-aasha kowaad ka jawaabno, dadka yar iyo weynba noocyada cuntada ay cunaan qayb weyn ayey ka qaadataa hab-dhaqankiisa ama dabeecadiisa. Cuntooyinka qaarkood waxay carruurta ka dhigaan:
  • kuwa fudud oo aan wax maqlin

  • kuwa qaylo badan meel kasta oo ay joogaanba

  • kuwa aan waxba fahmikarin markii ay wax dhiganayaan

  • kuwa aan meel ama kursi ku fariisan Karin oo intaas ruqaansanaya ama rabshaya carruurta kale ee wax la dhigata.

  • kuwa aan dadka ama carruurta kale aan u ogolaan iney ka jawaabaan su-aalaha macalinku weydiiyo ama had iyo jeer raba in iyaga uun la maqlo.

  • waxay isku deyaan iney ka jawaabaan su-aasha intaaney fahmin waxa loola jeedo.






  • Dabeecadahaas kor ku xusan waxaa loogu yeeraa ADHD (ATTENTION DEFICIT HYPERACTIVITY DISORDER). Waxaana lagu arkaa carruur badan oo iskoolada iyo guryahaba loogu taag la-yahay. Joornaalka (The Lancet) oo dalkan UK ka soo baxa wuxuu qoray in boqolkiiba 8-10 carruurta adduunweynaha lagu arko dabeecadda noocan ah. Waxaana la yiraahdaa waxaa sabab u ah bay-ada sumeysan, cuntooyinka qaarkood (food additives & sugary staff), balwadaha waalidku lahaa markii ilmuhu uurka hooyadi ku jirey amase nafaqo darro.





    Baaritaano badan oo la sameeyey, waxay cadeynayaan in carruurta badsata cunida cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay iney fudeyd ka qaadaan caafimaadkoodana aaney u wanaagsaneyn. Cuntada noocaas ahi waxay kor u qaadaa sonkorta (glucose level) la socota dhiigooda. Sonkortaasi waxay ku badan tahay refined carbohydrates.





    La soco qaybta labaad oo aan uga hadlidoono cuntooyinka loo baahanyahay in laga ilaaliyo carruurta si caafimaadkooda loo dhowro.



    Waxaa diyaariyey: Dr. Abdisalam Sheikh Hassan

    Afeef:

    Qoraalada oo dhan waxaa lagu soo daabacay niyad fiican, kamana nihin mas'uul (sharci ahaan) saxnaantooda ama waxa ka dhasha Isticmaalkooda. Mas'uuliyadda qoraal kasta waxaa iska leh oo loo raacanayaa qoraaga magiciisu la socdo.

    RSS
    (la soco isbadalada)
    Print
    (daabaco Maqaalkan)



    . RSS Waxay qaadatay 0.23779 ilbiriqsi. 
    Codsiyada kaydka: 6


     
    Maamulka  
    Gal booskaaga
    Soo dir fayl
     
    Maxaa Cusub  
    Xayaysiiso  

    affiliate_link

    visit this site

    Design ©        www.ururshe.com