Qurbacleey iyo qalalaasaha qoyskaQoyska waxaa wada unka wiil iyo gabar iska soo dhex doortay dad oo dhan, isuna haya kalgacayl iyo kalsooni weyn. Qoyska waxaa la unkaa iyada oo lam maanaha is guursaday, ehelkooda, asxaabtooda iyo muslinka oo dhan ku wada faraxsan yihiin, waxaana laga fishaa deganaansho, xasilooni iyo is badal wacan oo dhinac walba kaga yimaada nolosha lammaanaha qoyska wada dhistay. Inta badan qoysasku waxaas loo filayey way helaan, waxaase jira qoysas kale oo wanaaggii loo filayey inay helaan iska daaye aan ka bixin is qabqabsi iyo qalalaase joogto ah oo qaarkood ku dhammaado in qoyskiiba burburo. Kalgacaylka ay gabadhu u hayso ninkeeda iyo dadaalka dheeraadka ah ee ay ku xoojinayso xiriirka ka dhexeeya iyada iyo lammaaneheeda ayaa ku kallifa inay arrintaas talo ka weydiiso dad aan danteeda iyo maslaxadda qoyskeeda danaynayn amaba la doonaya dhib iyo dibindaabyo, taas oo marar badan sabab u noqota in qoysku burburo ama qalalaase ka dhex abuurmo. Haddaba aynu qormadaan ku qaadaa-dhigno sida gabdhaha loo marin-habaabiyo, minankoodana looga dumiyo ama looga kharbudo gaar ahaan kuwa da’yarta ah ama laga caqliga badan yahay. Qurbacley iyo duminta qoysaska Dhismaha qoysku wuxuu ahaa mid dhibaato badan laga maro marka laga eego helista gabar geeyaan ah oo nin weyn uu naftiisa iyo reerkiisa ku aamino, aqal-dhiska, gabbaatiga iyo yaradka oo mararka qaarkood gabadha magteeda ka badnaan jirey. Ninkii nasiib leh oo mar ku guuleysta inuu reer dhistana gar bay ahayd inuu ku fara-adaygo, haddii ay si uun uga fashilantana uma sahlanayn inuu dib reer kale ka yagleelo; sidaa darteed markii ina rag uu arkay dhibta laga marayo dhismaha reerka iyo sida fudud ee ay Qurbacley maalin walba u kala tuurayso ayay noqotay in xal la raadiyo, talona waxaa la dhaafin waayay in Qurbacley ninkii guursadaba uu siiyo qurbac (qaalin) geel ah; si ay sharkeeda qoyska cusub uga la aasho!, waana sababta keentay in loo baxsho Qurbacley. Qurbacley iyo qoyskii hilinka qaadi waayay Dadku isku ra’yi iyo isku qiimayn ma aha’e gabar ay la noqotay in aan cidina maankeeda gadi Karin ayaa ninkeedii ku tiri: maxaad habartaan xunta ah qaalinkeena inoo ka siinaysaa?, yay dirdiri kartaa?. Wiilka oo gabadha kana caadifad yaraa, si gaar ahna u dareemayay xoolaha qoyskaan dhismihiisa kaga baxay mood iyo noolba ayaa ku yiri: walaaley naga daa, balaayadu way igu kaa diraysaaye. Gabadhii ma ay garaysan in habar xun ah oo cajuusad ah ay xoolohooda bilaash ku qaadato iyo inay iyada ku diri karto saygeeda ay jeceshahay midna; sidaa darteed way ku adkaysatay mawqifkeedii, wiilkiina waa ka yeelay, habartiina wuu u diiday qurbicii loo qoondeeyay. Nin kuu digey kuma diline habartii waxay ku tiri wiilka: war hooy ka joog yaadan shallaayine!, gabadhii oo hanjabaadda habarta ka jawaabaysana waxay tiri: naa soco cajuusad yahay xuni, yaad isku diri kartaa?, waxaana lagu kala tagay waad arki doontaa iyo waad arki doontaa!. Qurbacley iyo qorshihii kala-geynta Qurbacley waxay u timid gabadhii oo gurigeedii joogta, is nabdaadin ka dibna waxay u sheegtay in aan ninkeedu jeclayn ee ay is kala joogto. Gabadhu xog horena way ka haysay Qurbacley, wixii labadooda dhexmaray iyo hanjabaaddii lagu kala tageyna way ogayd; sidaa darteed markiiba waxay la soo booday: naa bax habaryahay xun oo diradiraaleyda ah. Habartii waxba ma xanaaqine waxay tiri: waa runtaa oo anigu nimanka iyo naagaha is qaba waa isku diraa, laakiin naagtii caqli leh baan ninkeeda ku diraaye nacasta adiga oo kale ah kuma diree wax baan u sheegaa. Qurbacley waxay taqaan meelaha ugu jilicsan ee laga taabto dumarka, waana meesha ay ninkeeda ka joogto iyo jacaylka uu u qabo; sidaa darteed bay dhinacaas uga weerartay. Haddii hadalkii iyo dooddii muddo socotayna Qurbacley waxay hadalkii ku soo gabagabaysay: aniga igu tijaabi waxa aan maanta kuu sheegay. Haddii sida aan kuu sheegay xaalku noqon waayo waxaan ahay diradiraley, wax dambana ha iga maqlin, haddii sida aan kuu sheegayo arrintu noqotana haddee ka tasho. Gabadhiina arrintaas gar bay la noqotay oo waxay tiri: waayahaye sheeg waxa aan ku tijaabin lahaa. Tijaabada ninka Qurbacley mar hadday inantii is waalwaalaysay ugu soo dhacday dabinkii ay u dhigtay, ayna ka saaid calaysay (ka adkaatay) iyada iyo saygeediiba aayar bay gurigeedii u boqooshay, iyada oo hubta in dhagartay maleegtay reerka dumin doonto ama ay jiif iyo joogba u diidi doonto. Gabadhii mar hadday hubsatay in aan ninkeedu jeclayn ee ay meesha iyada oo aan la rabin iska joogto waxay bilowday inay afka buurto, odageedana ay u muujiso caro iyo ciilqab. Haddii uu warsaday sababta is badalkaan ku keentayna waxay u sheegtay in uusan rabin, jacaylna u hayn. Ninkii wuxuu isku dayey inuu gabadha ka saaro fikradda qaldan ee ay ka aamintay lammaaneheeda, dhinac walbana waa kaga yimid, wax kasta oo uu ku muujin karo kalgacaylka uu u hayo iyo kalsoonida uu ku qabana is kama hagran, hase yeeshee gabadhii waxaas oo dhan Alle wax kama dheefsiin, waxayna kaga dhegtay in aan ninkaani rabin mar haddii uu tijaabadii duqda waayo-aragga ah siisay ku dhacay. Ninkii markii uu ka caalwaayay gabadhii wuxuu ku qancay in dhinaca Qurbacley looga yimid, waxayna talo kaga dhammaatay in uu iyada la soo xaajaysto waxay kala mutaanba. Dooddii Qurbacley iyo ninkii ay gashay reerkiisa Nin naaso kor u jeeda eegay kuwo hoos u jeeda ma eegee ninkii wuxuu isku daray cabasho iyo inuu oggolaaday qurbicii baas ee diidadiisu dhibtaan badday. Ku digasho iyo waran ku liiliijin badan ka dibna Qurbacley waxay oggolaatay inay ninka arrinta la furdaamiso mar haddii uu u soo hoyday, wixii ka dhacayna uu ka shallaayay, waxayse shardi uga dhigtay inuu qurbacyada labo ka dhigo, isaguna maadaama gabadhu shan iyo toban halaad ku joogtay, kharashka kalena u sii dheeraa labada qurbac inuu xoolahaas ku caymiyo gar bay la noqotay, sidaas ayuuna ku aqbalay inuu bixiyo labadii qurbac oo waliba uu abaal ku qabo. Qurbacley iyo sida ay mushkiladdii u xallisay Qurbacley waxay u hilhilatay sidii ay ninka xaaskiisa ugu soo furdaamin lahayd mar hadday muraadkeedii ka gaartay. Halka ay xarigga ka gunudayna iyada uun baa ogayde waxay ku talogashay inay siriqda soo dhufato; si rooxaantu gabadha uga baxdo, reerkeedana ay u dhaqato. Hadalkii waxay uga bilowday: naa maxaad ninkaaga ku jecel ku nacday oo aad u diidaysaa?, miskiintii oo wali arrintu meeshii u joogto ayaa ku jawaabtay: ninkaan aniga ima rabo!. Duqdii waxay ku tiri gabadhii: orod oo soo kaadi, hadday ka yeeshay oo soo noqotayna waxay ku tiri: orod noqo oo haddana soo kaadi!. Gabadhii waxay tiri: ma waalantahay?, hadda ayaanba soo kaadshaye sidee isla hadda mar labaad u soo kaadshaa?!. Duqdii waxay gabadhii ugu jawaabtay: doqon yahay haddii aadan adigu kaadida markiiba ku noqon karin sidee ayaad ninkaaga isla markiiba igu noqo u oran kartaa?, naa orod waxyahay nacasta ah reerkaaga dhaqo, ninkaagu waa ku jecelyahaye!!. Mushkiladdiina intaas ayay ku xallisay!. Gabagabo Axmed C/samad ( mailto:alwaqaar@hotmail.com )alwaqaar@hotmail.com
|
| Taariikhda www.ururshe.com lagu daabacatay:26 Jul 2009 | |